Thursday, December 14th, 2017

Daafaca Liverpool Joel Matip Oo Dareensan Inuu Helidoono Boos Joogta….

Daafaca kooxda Liverpool   Joel Matip  ayaa waxaa uu qabaa inuu soo bandhigay qaab ciyaareed aan la xaqirikarin ciyaartii ugu dambeeysey ee kooxdiisa uu u ciyaaray ,waxaana ciyaartaasi ay wajeheen kooxda Spurs.

Macalin Klopp ayaa xidigaan ciyaarsiiyey booska daafaca dhexe waxaana xidigaan uu kulankaasi soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kadib wada shaqeeyntii Lovern.

Xidigaan ayaa dib ula soo laabandoono kooxdiisa waxaana uu ciyaaryaahankaan rajeeynayaa inuu ciyaaro kulanka Leicester City iyo Liverpool maalinta sabtida.

”Waxaan sugidoonaa ilaa iyo xilli ciyaareedka bartamihiisa kadib markii aan talaabo wanaagsan qaaday,” ayuu xidigaan sheegay.

”Waxaan qabaa inaan soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan, waxaana qaatay masaafo wanaagsan kulankaasi, waan ku farxidoonaa haddii aan helo sheekooyinka.

Matip ayaa kulankiisa ugu horeeyeyey ciyaaray ciyaar ay kooxdiisa bar bar dhac 1-1 la dhaafi weeyeen ciyaar dhacday 27 August.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *