Saturday, October 20th, 2018

Ciidamada Puntiland oo Howlgal afar Maalin Qaatay ku Qabtay Ciidamo Alshabaab ah ka…

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa waxa ay hawlgal ballaaran oo ka dhan ah ururka Al-shabaab ay ka fuliyeen Buuraleyda degaanada Dhadhaabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin Xagarood, Madarshoon iyo Diindigle oo Buuraha Calmadow oo qiyaastii 35 ilaa 77-KM ka xiga dhanka Koonfur Galbeed magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Hawlgalkan oo socday Afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa qorshihiisu ahaa sidii Al Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Buuraha Calmadow.

Saraakiisha Ciidanka PSF-ta ayaa waxa ay sheegeen hawlgalkan in ay ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay ka saareen goobo ay kaga dhuumaalaysanayeen Buuraleyda Ceeldibir iyo Karin Xagarood.

Dhanka kale intii hawlgalkani socday saraakiisha ciidanka PSF-ta Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Saddex maxbuus oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Saddexdan nin ee ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxaa loo gudbiyey xabsiyada magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay ka go’an tahy in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan xoogaga ururka Al-shabaab iyo kooxda Daacish.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *