Sunday, June 25th, 2017

Arag sawirada:DIB U EEGID: Maxaad Kala Socotaa Kooxaha Ugu Taageerayaasha Qeylida Badan …

Horyaalka Premier League ayaa qeyb ka ah horaalada ugu xiisaha badan dunida, islamarkaana waxaa jira kooxo badan oo ku xifaaltama horyaalka, tusaale horyaalka waxaa si wadda jir ah ugu ciyaara kooxaha Manchester City iyo Manchester United kuwaas oo aad ugu xifaaltama horyaalka, islamarkaana waxaa la aaminsan yahay in uu yahay kulankooda mid kamid ah kulamada ugu adag ee ay ciyaaraan kooxaha ay isku magaalada ah.

Sidaa darteeda waxaan idin soo gudbinaynaa kooxaha ugu taageerayaasha xamaasada badan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay horyaalka madama uu ahaa mid kamid ah dhacdooyinkii Premier League kuwoodii ugu xiisaha badnaa kadib markii ay horyaalka la hooyatay Leicester City oo wax ka yar 22 bilood ku sugneed horyaalka.

Hadaba waa kuma kooxaha ugu taageerayaasha qeylida badan horyaalka Premier League, haku fakari in taageerayasha Liverpool ay yihiin kuwa ugu xamaasada badan dunida.

#1. Manchester United

Sida laga soo xiganayo xiriirka FA da dalka England Manchester United ayaa heysatay taageerayaasha ugu xamaasada badan dunida, kadib qeli dheeridoodii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana taas loogu aaneeynayaa in Luis Van Gaal uu ahaa qofka ka keenay qeylida jamaahiirta Red Devils.

#2. Newcastle United

Newcastle United ayaa ahaa taageerayasha labaad ee ugu  badan dhanka qeylida waxana lagu amaanaa jamaahiirta Geordie fans in ay yihiin kuwa ugu buuqa iyo bood boodka badan.

#3. Liverpool

Liverpool ayaa xirtay kaalinta Saddexaad ee kooxaha ugu qeylida badan dunida islamarkaana waxay ahaayeen kuwa aad u qeyliya xillli ciyaareedkii lasoo dhaafay, taageerayaasha caanka ah ee  marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano KOP ayaa ahaa kuwa aad u xiisa badan.

Hadaba waa Kan Liiska kooxaha Iyo Sida ay u qeylida Badnaayeen

Liiska Kooxaha Iyo Sida Ay U Qeylida Badan Yihiin
Kaalinta Number Kooxda
1 Manchester United 
2 Newcastle United 
3 Liverpool 
4 Crystal Palace 
5 Chelsea FC 
6 Manchester City
7 Arsenal 
8 West Ham United 
9 Southampton 
10 Stoke City 
11 Swansea City 
12 Sunderland 
13 Everton 
14 Aston Villa 
15 Leicester 
16 Tottenham 
17 Hull City 
18 QPR
19 Burnley FC 
20 West Bromwich Albion 

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *