Wednesday, January 23rd, 2019

Al Shabaab Oo War Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Qaraxii Galabta Sh/Hoose ‘Wasiir Hore Ayaan Dilnay”

Al Shabaab ayaa waxay soo saareen gabal dhicii maanta war ay kaga hadlayaan weerarkii ka dhacay Wadada Xeebta Ah Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxay Al Shabaab ku faaneen inay dileen Saraakiil ay muddo baadi goobayeen,uuna kamid yahay Abaan duulihii Ciidamada Dawlada Ee Deegaanka Xeebta Ah oo Cabdi Cali Jamaame.

Sidoo kale waxay sheegeen Al Shabaab inay dileen taliyihii Qeybta 12 April general Cumar Dheere.

Waxay tilmaameen in Wasiirkii hore Ee Gaashaandhiga Dawladii C/llaahi Yuusuf General Cumar Dheere,ay dileen.

Qarax Ka dhacay Deegaanka Dhanaane Ee Gobolka Sh/Hoose ayey Al Shabaab sheegeen in 12 ay ku dileen oo saraakiishaas ay ku jireen.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *