Saturday, December 15th, 2018

Al-Shabaab oo Qorshe La Yaab leh ah u diyaariyay Haweenka ku nool deegaanada ay maamulaan+(SAWIRRO)

Xarakada Al-Shabaab  ayaa xarigga ka jartay mu’asasad lagu magacaabo Al-xikma oo lagu baran doono farsamooyin muhiim ah, sida cunto karinta,tolista dharka iyo caafimaadka, Sidoo kale shaqooyinka mu’asasadda waxaa ka mid ah tarbiyaynta ilmaha yaryarka ah.

Xafladdii furitaanka waxa ka hadlay salaadiinta iyo wax garadka Jilib iyo Wakiilka Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka Sh Maxamed Abu Cabdallah iyo marti sharaf kale.

Ururka Al-Shabaab ayaa hadda meelo fara ku tiris ah kaga Sugan Soomaaliya marka loo eego sanadihii hore.

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *