Saturday, October 20th, 2018

Daawo muuqaalka: Furiinka oo aad ugu sii Badanaya Magalada Mugdisho + Ragga iyo dumarka Yaa u sabab ah Tolow.

Furiinka ayaa wax caadi ah ka noqday qoysadka Soomaaliyeed  dhexdooda, laakiin dad badan ayaa isweydiinaya sababta.

Barnaanij gaaban oo laga diyaariyay sababaha keenay inuu bato furiinka ayaa waxaa eedeyn isugu jeediyay ragga iyo dumarka.

Dumarka qaarkood ayaa qaba in ragu masuul ka yihiin furiinka ugu badan ee dhaca, halka ragu ay sidoo kale dumarka eedeynayaan.

Riix Halkaan Ee Daawo Muuqaalka

Magaalada Muqdisho ayaa kamid ah goobaha ay ku badan yihiin furiinka, waxaana la arkaa gabdho yar yar oo caruur leh hadana qoyskoodii bur buray.

Tan iyo bur burkii dalka ka jiray waxaa ay qoysaska Soomaaliyeed wajahayeen xaalado adag oo dhanka nolosha ah waana taas mida keentay inuu bato furiinka sida ay qabaan qaar kamid ah dadka.

 

Nagala Soo Xiriir

radiohiiraan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *